in
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
in1
Magac dheddig1
(ino, m.l) Xoogaa, qaar, wax aan badnayn; wax; tiro.
2
Qayb, cad.
3
Waqti, goor.
4
Xag, meel, kob.
5
Inna: waxna.
in2
Xiriiriye1
Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iwm).
Tusaale
“In uu imaanayaa waa hubaal”
“Waxaan doonayaa in aan tago”
“Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”
2
Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii.
Tusaale
“Bal inaan eegi karo aan soo durko”
“Weyddii bal inay fog tahay”
3
Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah.
Tusaale
“Inta aan soo noqonayo”
“Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”
4
Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in.
Tusaale
“Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”