ina (Magacuyaal dhimman layeele) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
ina
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
58 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Magacuyaal dhimman layeele
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo aan kuwa lala hadlayaa ku jirin. Tus.: “Ninku waa ina wada arkay ee maxaynu samaynaa?” ld inna³.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. Uyaal uu lee yahay qofka hadlaya oo kooxda ah oo kan lala hadlayaa ku jiro, oo wax la taarana hayo; innaga.
2. a) (ina) Kii uu dhalay: inankii; wiilkii. b) (inà) Tii uu dhalay; inantii; gabadhii.