Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
indhakuul1
Magac dheddig
Budo madow, dhowr jaad u kala baxda oo haweenku indhaha xirribahooda ku quruxsadaan.
indhakuul2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Budo beycad ah indhaha ku qurxin; u i.: cid indhakuul u marin.
Is-rogga falkan
-uulay, -uushay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Indhakuu-sha)
Budo beycad ah oo dhawr jaad oo isku dardarsan ah oo la moodo dhalo la tumay oo birbirta; waxyaalo badan bay tartaa: wax ku daweyn; wax ku aslid; alaabo kale ku darid oo ku adkayn; dumarkoo indhaha ku kuusha.