Qaamuusle LogoQaamuusle

kirkir

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

kirkir1
Magac lab
Raadka ay reebto mindi iwm oo aan af lahayn oo wax lagu gooyay. ld kirkirid.
Wadarta Magacan

-ro, m.dh

kirkir2
Magac lab
1
(daaw.) Cudur bulshadeed ragga kaga dhaca guska oo inta hore gooya, lagana qaado galmada. ka
2
(daaw.) Nabar furan oo aan xanuun lahayn oo ka samysma meesha jeermigu jirka galay (guska, dibnaha, iwm) waana astaanta ugu horreysa ee xabbadda (siifilis).
Wadarta Magacan

-ro, m.dh

kirkir3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Mindi aan af lahayn wax ku goyn.
Is-rogga falkan

-ray, -rtay