Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
sufur1
Magac lab
1
Tiro xisaabeed marka ay keligeed tahay aan micno lahayn, laakiin marka ay midigta ka raacdo tiro kale ku dhufata toban; Eber.
2
Maar.
3
(-rro, m.dh) Koob macdan ka samaysan.
sufur2
Magac dheddig
(1)
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Sufur-ka) a) Lanbarrada tirada mid ka mid ah oo hadduu keli yahay aan waxba ku fadhiyin, hadiise xagga midigta ah lanbarro kale laga xijiyo, kolkaas tirada tarmiya oo toban ku dhufta; baabbah; eber. b) Naxaas.