Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
kuf1
Magac lab khabar
K. ah: isu qalmidda ay isu qalmaan laba qof xagga guurka, iyadoo laga eegayo dhinacyo badan sida: dhala-sho, xirfo, caafimaad iwm; geyaan.
kuf2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Nafley socota horay u dhicid.
Is-rogga falkan
-fay, -ftay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Kuf-ka)
Laamaha guurka mid kamid ah oo ku saabsan dadka isu dhigma oo is guursan kara iyo kuwa aan is guursan karin, iyadoo laga eegayo dhinacyo badan (dhalasho, xirfo, caafimaad, kd.); geyaan.