Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
laab1
Magac lab
1
Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey.
2
Meel leexsan; luuq.
Wadarta Magacan
-bab, m.l
laab2
Magac lab
Jooloji
Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.
Wadarta Magacan
-bab, m.l
laab3
Magac dheddig
1
Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad.
2
Qalbi; niyad.
laab4
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.
Is-rogga falkan
-bay, -btay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Laab-ka) a) Maro ama waraaq ama wax kale oo la isku soo rogo, la isku soo laabo. b) isku-soo-laabkaasi raadka uu reebo. c) Meel weecsan oo dhuuban oo hareeraha ay ka xigaan geedo ama buuro ama guryo; luuq. d) Wax la laabay oo gudo wax la gelin karo loo yeelay; jeeb; gol.
2. (Laab-ta) a) Oogada qaarkeeda kore, inta u dhexaysa surka iyo bogga; soojeedka saabka iyo feeraha; gaaddo; xabad; shaf. b) Kartida wax lagu garto; garaad; fiiro; caqli, qalbi; kal; xirgi.