Geed-nagaar leh xididdo miro la cuno dhala saliidna laga sameeyo.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Lows-ka)
Geed nagaar ah oo la beero oo aad u waxtar badan; mirihiisu si yaab leh bay u baxaan: kolka ubaxu dhaco, baa lugtii siddey ubaxaasi xagga hoose u soo qalloocataa oo madaxa dhulka gashataa, madaxyadaas baa miruhu ka baxaan; cunidda ka sokow, waxaa laga sameeya subag iyo saliid.