ma (Qurub Diidmo) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
ma
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
74 jeer ayaa la eegay
4 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
ma1
Qurub Diidmo
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo.
Tusaale
“Cali ma imaanayo”
ma2
Qurub weyddimeed
1
Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo.
Tusaale
“Cali ma yimid?”
“Ma Cali baa yimid?”
“Ma waxaa yimid Cali?”
“Ma waad imaanaysaa?”
2
Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay.
ma3
Xiriiriye
Mase: ama. ld mise.
ma4
Magac lab
1
Meel.
2
(qr.we) Mehee?: meeshee?.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Ma — Erey ulajeeddadiisu kol ay tahay: a) Wax isweyddiis (sida: Cali ma yimid? Libaax ma aragtay? Ma aniga?). b) Kolna ay u dhiganto may, maya (sida: Cali ma yimid? Ma iman; Maanta Axad ma aha...).