Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
makaab1
Magac lab
Qoryo ama tiirar afka laga saaro ceelasha, si ay u sahlanaato shubiddooda; xakab.
Wadarta Magacan
-byo, m.dh
makaab2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Ceel makaab afka ka saarid.
Is-rogga falkan
-bay, -btay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Makaab-ka)
Ceelasha afafka waaweyn qoryo iyo tiirar lagu raaro oo afafkooda lagu yareeyo oo kolka la shuba hayo dowlisyadu dul maraan oo raad qodan u yeelaan; xakab.