Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
masawir1
Magac lab
1
Aaladda wax sawirta.
2
Muuqaal ka taagan wax oo lagu daabacay warqad. loox, derbbi iwm iyada, oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale.
3
Shaxan, jaantus. ld taswiir.
Wadarta Magacan
-rro, m.dh
masawir2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Muuqaalka ka taagan wax laftiisa warqad, loox derbi, iwm ku daabicid iyada oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale.
2
Shaxan ama jaantus sawirid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Masawir-ka)
1. Hab wixii jir leh muuqaalkooda lagu qabto oo lagu muujiyo warqad korkeed ama kor kale oo xaleexsan oo dusha laga marshey waxyaalo hooska iyo iftiinka aad u garan og.