Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
maxlal1
Magac lab
Meherka naag la furay oo nin kale muddo gaaban ay guursato si ay ugu noqoto ninkeedii hore.
Wadarta Magacan
-llo, m.l
maxlal2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Naag rabta in ay ninkedii hore ku noqoto nin kale muddo gaaban mehersasho.
Is-rogga falkan
-alay, -ashay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Maxlal-ka)
(guur xaaraan ah) labo qof oo is furay oo aan mar labaad is guursan karin jeer naagta nin kale guursado oo ay kala tagaan; ku wax la siiyo oo naagta lagu xiro oo durba fura.