Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
qandho1
Magac dheddig
1
Xummad.
2
Jirro.
3
Duumo.
qandho2
Magac dheddig
Daawo
Kulka jirka oo ka saramara kulka caadiga ah ee jirka: haddii afka laga cabbiro waxa weeye: 98,6° F oo u dhiganta 37° C. Haddii futada laga cabbirana waxa weeye = 99° F oo dhiganta = 37° C.
qandho3
Fal magudbe, isrogrogga 3aad
Cid jirro ku dhicid. ld qandhoo.
Is-rogga falkan
-oday, -otay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Qandha-da)
1. Fayoobi la'aan, xanuun ama cudurrada qaarkood lagu yaqaan, oo qofka kulayl iyo gariiriso qabtaan; xummad.