Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
qufac1
Magac lab
1
Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka.
2
Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka.
qufac2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Cid qufac ka imaansho.
2
Nafley qaaxo qaadid.
Is-rogga falkan
-cay, -cday; -fici
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Qufac-a)
Neefta oo si kedis ah, oo xoog iyo shanqar leh, sanbabbada uga soo baxda, oo hunguriga cad u soo marta, muruqyada hunguriga, oo xanuun qabtay iskula roora, ama dhuumaha neefta iyo sanbabbada oo xaako xirtay laga soo saarayo, darteed.