1. (ka reebid) Wax, waxay la socdeen inay raacaan u diidid, dib uga soo celin.
2. (ku reebid) a) Meel ku celin. b) Qof, in wax la siiyo ama wax loo dhiibo, ama uu wax hayo, ku talin, ka ballamid. c) Xaraf dhawaaqi ama yeerti, xaraf kale korkiisa ku joojin (sida: ereyga baal, dhawaaqa aa-du wuxuu ku kor joogsanayaa oo ku reebmayaa xarafka l).
3. Wax laga haro oo aan la samayn karin, ka dhigid; oggolaan waayid; diidid; mamnuucid.