Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
seed1
Magac dheddig
Sooh adag, cad oo muruqyada madaxooda ku yaal isuna haya muruqyada iyo lafaha.
Wadarta Magacan
-do, m.l
seed2
Magac dheddig
Cilmiga-naflayd
Koox nudo ah oo liilsami kara, kuwaasoo hal ama in ka badan oo lafo ah oo isu tagay, isuna haya kalagoosyo dhaqdhaqaaq. Seeduhu waxay xukumaan dhaqdhaqaaqa lafaha ee kala-goyska, sidaa awgeed waxay muhiim u tahay ka hortagga kala baxa.
Wadarta Magacan
-do, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Seed-da)
(oogo) dun ama sooh adag oo cad oo muruqyada madaxyadooda ku yaal oo muruqyada iyo lafaha isku xira.