Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
shuban1
Magac lab
Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
shuban2
Magac lab
Daawo
Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan, cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
shuban3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Nafley wax shuban ku dhacay noqosho.
2
Hoore wax la shubay noqosho.
Is-rogga falkan
-bmay, -bantay; -bmi
shuban4
Fal magudbe, isrogrogga 4aad
1
Hoore wax la shubay ahaansho.
2
Xoolo wax la waraabshay ahaansho.
Is-rogga falkan
-bnaa, -bnayd
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. La shubay.
2. (Shuban-ka) Caloosha oo laga baxo; wax badan oo jilicsan oo gadaal laga dhigo; dababbax; caloolbax; xaar; doox.