Isku joog garangar ama wax u dhigma iyo xubno kale ka kooban oo gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ninka wadaa uu adeegsado.
Wadarta Magacan
-mmo, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Shukaan-ta)
1. Loox qori ah ama bir oo adag oo ballaaran oo doonnida qaarkeeda danbe ama markabka, faseexado kula dhegsan, oo khashabadda dhoofsan ama seebka lagu wado, lagu duwduwo.
2. Iskujoog, garangar shufeerku qabto iyo xubno kale ka kooban, oo gaadiidka cirka iyo kan dhulka iyo kan badduba lee yihiin.