Geedgaab laamo dhuudhuuban iyo caleemo sida kuwa meseggada u baxa leh, kana baxa Afrika iyo Aasiya oo leh bari dhadhan kulul oo cuntada lagu darsado, daawana laga sameeyo.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Sinjibii-sha)
Dhirta kulul oo cunnada lagu daro geed ka mid ah oo Aasiya iyo Afrika ka baxa; waxaa lagu daraa: shaaha, bunka, fuudka iyo sanuunadda, hilibka furunka lagu dubo iyo jaadad badan oo xalwado ah; Waxaa kale oo laga sameeyaa sharbeed la cabbo, dawooyin badanna waa lagu daraa.