Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
taabasho1
Magac faleed dheddig
sidoo kale: taabad.
taabasho2
Magac dheddig
Daawo
Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Taabasha-da)
Sacabka ama farta ama meel kale oo oogada ka mid ah, oo wax korki dusha laga saaro, si wax looga garto ama looga dareemo; wax wax kale korki gaara ama la gaarsiiyo.