tan (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
tan
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
55 jeer ayaa la eegay
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
tan1
Magac lab
1
Culays dhan 1000 kg.
2
Mug.
tan2
Magacuyaal tilmaame dheddig
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”.
Wadarta Magacan
kuwan, w
tan3
Falkaabe
Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro.
Tusaale
“Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. Qof ama wax dheddig oo qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo (sida: tan i sii; gabadhii meeday? Waa tan; ...) kolka ay magac ku xiriirsan tahay oo tilmaan u tahay, waxay noqotaa tan.
2. (*) (Tan-ka) Kun kiilograam ama toban kiintaal culayskood.
-tan — Ereyga tan kolka uu tilmaanta yahay oo magac ka dabadhaco; kolka magac qodob lihi ka horreeyo, inta ta'-da la tuuro baa la isku gaabin karaa (sida: naagtatan = naagtaan; maradatan = maradaan; hashatan = hashaan).