Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
tiqraar1
Magac lab
Shay adag oo la kala dhexgeliyo laba wax si ayan isu qabsan. ld taqraar¹.
Wadarta Magacan
-rro, m.dh
tiqraar2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Shay adag laba wax kala dhex gelin si ayan isu qabsan. ld taqraar².
Is-rogga falkan
-ray, rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Tiqraar-ka)
Meel la jeexay ama la furay oo la kala durkiyey wax la dhexgeliyo (qori ama wax la mid ah) oo docaha kala celiya oo u diida inay isku soo noqdaan oo is qabsadaan.