Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
ugu-hooseeye1
Magac lab
Qiimaha ugu yar ama ugu hooseeya.
ugu-hooseeye2
Magac lab
Xisaab
Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.