ul (Magac dheddig) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
ul
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
52 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Magac dheddig
1
(-lo, m.l) Qori dhuuban, geedaha laga goosto oo loo qaato in laysku daafaco ama xoolaha lagu raaco.
2
Lo' tiradeedu boqol (100) gaartay.
3
Tiro lo' ah oo gaar isula soofta.
Wadarta Magacan
-lo, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(U-sha)
1. Xidid ama laan dhuuban oo geed laga gooyo oo loo qaato xarrago ama faraqabsi ama lagu dagaallamo ama wax laysaga cesho, ama waxyaalo kale lagu qabsado; dhenged.