way (Erey dareen) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
way
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
52 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Erey dareen
Eray lagu muujiyo xanuun ama oggolaashadarro.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Way!) Erey ciil darti loo yiraahdo, sida qof wax uu iska celin karey la gaarsiiyey ama waxyaalo uu samayn lahaa, si nacasnimo ah u seegaan, oo is canaanana haya.
2. Waa iyo ay oo la isku yareeyey (sida: waa ay timid - way timid).