Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
xab1
Magac lab
1
Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan.
2
Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda.
3
Ukunta biyeheeda cad.
4
Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.
xab2
Magac lab
Cilmiga-naflayd
Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Xab-ka)
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jiljilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan.
2. Biyo badan oo xalliiban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda.
3. Ukunta biyeheeda cad.
4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.