xaj (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
xaj
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
47 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Magac lab
Diinta
Shanta tiir oo diinta Islaamku ku taagantahay mid ka mid ah oo waajib kaga dhigaya qofka inta uu noolyahay in uu hal mar tago Maka mowsinka xajka. ld xąd¹.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Xaj-ka)
1. Tiirarka Islaamka mid ka mid ah, oo Muslinka fara haya, kuwoodii kari kara, inay, hadday u yaraato, kol Kacbada iyo meelaha kaloo barakaysan tagaan oo soo booqdaan (bisha Arrafo gudeheeda).