xil (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
xil
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
52 jeer ayaa la eegay
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
xil1
Magac lab
1
Xishood; sheex; sarriig.
2
Wax ama hawl la isu dhiibay ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hargado ama lagu gaboodfalo.
3
Ceebal; fadeexo.
xil2
Fal gudbe, isrogrogga 2aad
1
Cid mas'uul saarid.
2
Cid ceebayn.
Is-rogga falkan
-ilay, -ishay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Xil-ka)
1. Xishood; sheex: sarriig.
2. Wax ama hawl la isu dhiibey ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hagrado ama lagu gaboodfalo.