Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
abuur1
Magac lab
1
(m.l.u) Miro loogu tala galay in wax lagu beero.
2
abuur2
Magac dheddig
Dabeecad ama muuqaal loo dhashay; baxaalli. ld abuuris.
abuur3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax aan hore u jirin uumis.
2
Wax beerid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.