Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
barkin1
Magac lab
Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado, lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. ld barshin.
Wadarta Magacan
-nno, m.dh
barkin2
Magac dheddig
Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iwm laga buuxiyo oo la barkado. ld barkimo.