Qaamuusle LogoQaamuusle

boqor

2 Qaab ayuu ereygan leeyahay

boqor1
Magac lab
1
Nin madax u ah tol ama qaran oo xakunkiisu dhaxaltooyo yahay.
2
Maro dhuuban, dheer, qurux badan, dacallada bul ku leh oo haweenku dhexda ku xirtaan.
3
B. ah: neef riyo ah oo dhexda midab ku leh.
Wadarta Magacan

-rro, m.dh

boqor2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Qof boqornimo u caleemo saarid.
Is-rogga falkan

-qray, -qortay; -qri