Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
burcad1
Magac lab
Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin. ld bocor¹ (1).
burcad2
Magac dheddig urur
Koox tuugo ah, hubeysan oo dadka laaya, dhacana.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Burcad-da) Urur tuugo; qowle.
2. (Burcad-ka) a) caanaha la lulo subagga ka baxa oo aan weli la shiilin. b) Subag dhirta laga liso oo kan caanaha laga lulo u eg. c) Bocorka caanaha geela.