Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
cawsley1
Magac dheddig
1
Dad caws qada.
2
Dhul caws keliya ka baxo.
cawsley2
Magac dheddig
Juqraafi
gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da'a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da'a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada.