Budo caleen oo marka la qaso ciddiyaha, timaha iwm lagu guduudsado.
cillaan2
Magac dheddig
Xammaarato yar, quruxsan, oo ay mulaca isku bahyihiin, afar addin iyo dabo dheer leh oo geedaha fuusha. ld cillaangeedafuul.
Wadarta Magacan
-ammo m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Cillaan-ka) a) Midabka dahabka iyo liinta bisil. b) Geed la harsado oo aan qodxo lahayn oo ubax udgoon. c) Caleemaha cillaanka oo la tumo oo wax lagu daro oo dabadeed dumarku isku qurxiyo inta ciddiyaha, sacabbada, kd. marsadaan; xinni.