dabar (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
dabar
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
50 jeer ayaa la eegay
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dabar1
Magac lab
1
Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan.
2
Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo.
3
Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan.
Wadarta Magacan
-rro/-bro, m.dh
dabar2
Magac dheddig
Kiimika
Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).
dabar3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Sac ama geel dabar ku xirid.
Is-rogga falkan
-bray, -bartay; -bri
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dabar-ka)
1. Xarig gaaban oo xoolaha addimmada lagaga xiro kolka la lisa hayo (sida lo'da) ama la doona hayo inayan fogaan ama baxsan (sida geela); seeto.