dabar
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
dabar1
Magac lab1
Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan.
2
Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo.
3
Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan.
Wadarta Magacan
-rro/-bro, m.dh
dabar2
Magac dheddigKiimikaAwoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).
dabar3
Fal gudbe, isrogrogga 1aadSac ama geel dabar ku xirid.
Is-rogga falkan
-bray, -bartay; -bri