Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dhabbaggal1
Magac lab
1
Waddada geelu ku arooro.
2
dhabbaggal2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
U dh.: arrin u kuur gelid.
Is-rogga falkan
-alay, -ashay; -geli
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dhabbaggal-ka)
Dad aan war hayn oo loo soo kuur galo ama wax loogu soo gabbado, si xogtooda loo ogaado ama loo helo, ama waxa ay samayna hayaan ama maaggan yihiin loo ogaado oo loo arko.