Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dabro1
Magac dheddig
1
Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa.
2
(-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah.
dabro2
Fal gudbe, isrogrogga 3aad
Awr iwm dabar ku xirasho.
Is-rogga falkan
-raday, -ratay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dabra-da)
Weerar gaar ah oo aan sida heegganka iyo raacdo-reebta, colka gadaal ka ilaaline, cidaha gala oo wax soo dhaca ama wax soo burburiya; weerar danbe oo kedis ah.