Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dahab-ka)
Macdan sinni badan oo la jecel yahay: midabkiisu waa cillaan ifa haya, sidii la doonona waa loo tumi karaa oo loo rogrogi karaa; ma uu miriro, badanaana waxaa laga sameeyaa lacagta iyo billadaha iyo alaabta dumarku ku xarragoodo.