(f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid.
2
(f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid.
3
(f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho.
4
(f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin.
5
(f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.
Is-rogga falkan
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Dar-ka) a) Yeelka xoolaha lagu shubo mid kamid ah oo ka samaysan harag weyn oo wareegsan oo gadow leh; b) meelo dhisan oo loogu talaggalay in biyuhu ku soo ururaan ama lagu shubto; qabaal; berked. c) Dad; duul.