Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dhexroor1
Magac lab
1
Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo.
2
Labalaabka gacanka.
3
Dhidib.
4
dhexroor2
Magac lab
Xisaab
Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.
dhexroor3
Magac lab
Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.
Wadarta Magacan
c.fal.
dhexroor4
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Laba cad oo maro ah dhexroor u yeelid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dhexroor-ka)
Labo maro oo laysku tola hayo, cad saddexaad oo dhuuban oo la dhexgeliyo oo lagu tolo.