Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
dhulgariir1
Magac lab
Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
Wadarta Magacan
-rro, m.dh
dhulgariir2
Magac lab
Jooloji
Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.