Qaamuusle LogoQaamuusle

dul

4 Qaab ayuu ereygan leeyahay

dul1
Magac dheddig
1
Oogada sare ee wax kasta leeyihiin.
2
Meel sare oo dhulka intiisa kale ka yara kacsan.
3
Sabir iyo adkeysi dhibaato loo yeesho.
Wadarta Magacan

-llo, ml.

dųul2
Magac lab
1
Dad aad u badan oo aan la aqoon.
2
Jinni.
Wadarta Magacan

-lal, m.l

dul3
Magac dheddigJuqraafi
Aad u fidsan, waa heer ama ugu badnaan heer meeleed oo dhul dheer, dhul sare ah.
Wadarta Magacan

-llo, m.l

dųul4
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid.
Is-rogga falkan

-uulay, -uushay