Wax qaab iyo qurux leh oo la curiyo; wax farsamo isha iyo uurku jeclaystaan iyo farshaxannimo leh; (suugaan) hadal, kd., maanku jeclaysto oo jeel iyo macaan iyo xudduud ka helo; Falsamidu waa jaadad badan: wax qoran ama xardhan ama aslan ama daabacan ama masawiran, ... wax la dhisay ama dhoobo ka samaysan, ama hub iyo alaabo iyo marashi ah; wax la falkiyey ama la tolay; sheeko ama maanso; maadeys ama cayaar; muusika: laga luuqiyo ama la tumo ama la yeersho...; farsamo; farshaxan; fan; (ama falsamo).