Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
fal1
Magac lab
1
Wax qabad; samays.
2
Ficil.
3
Sixir.
4
Wadarta Magacan
-lal, m.l
fal2
Magac lab
Naxwe
Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado.
Tusaale
“Guuleed wuu yimid”
“Sucaad way kortay”
“arag”
“cun”
“taabo”
fal3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax samayn.
Tusaale
“Arrintan anigaa falay”
2
Wax sixrid.
3
Beer qodid.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Fal-ka)
1. (naxwe) qayb weyn oo qaybaha ereyada kamid ah: waxay tilmaamaan wax la fala hayo ama wax jira ama wax dhacaya ama si la yahay ama lagu sugan yahay; waxaa u sal ah oo ay ka soo dillaacaan ama ay ku dhisan yihiin 'magacyada falka' sida cunid, gabyid, marin, xumayn, goyn, qabasho, siin, ahaansho, lahaansho, kd.
2. Waxqabad; samays; yeel.
3. (senen) farsamo ku dhisan aqoon qarsoon oo la moodo inay saamays weyn leedahay oo cid wax lagu yeeli karo ama lagu tari karo; jaadad badan buu u kala baxaa; falfal; sixir.