Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
findoob1
Magac lab
Fin yaryar oo aan cudur ahayn oo dadka dhallinta yar wejigooda ka soo yaaca.
findoob2
Magac lab
Daawo
Fin yar oo malax afka ku wata oo maqaarka ka soo baxa waxay noqon kartaa infekshin baktiiriyaad ee daloollada maqaarka oo xirmay iyo dufan ay soo daayeen qanjirrada xayrta ee maqaarka ku yaal.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Findoob-ka)
Fin yaryar oo aan cudur ahayn oo dadka dhallinta yar wejigooda ka soo yaaca.