Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
gąar1
Magac lab
1
Xuub ku dahaaran ilmo dhashay.
2
Dhiil, abxad iwm wax korka looga dahaaro.
3
Urun.
gar2
Magac lab
1
Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga.
2
Halka ay isaga yimaadaan labada daan.
3
Garraarka haweenka guntintiisa.
4
Dhan, dhinac.
5
Xarig adag oo awrta lagu raro.
6
Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. ld ger.
gar3
Magac dheddig
1
Dood loogu xaqsoorayo laba dhinac oo arrin isku haya.
2
Daw; xaq.
gar4
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Caaradda ama afka astaan ama midab gaar ah uga yeelid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Gar-ka) a) Timaha ka baxa bushimaha hareerohooda iyo camanka iyo daamanka. b) Bir ama qori, kd., soo baxsan oo qaroofan, c) Garraarka dumarka. d) Doc; dhinac.
2. (Gar-ta) Abbaarta iyo xeerka, qof walba wax uu lee yahay ama uu jid u lee yahay ama uu mudan yahay, siiya; garsoor ku dhisan, eexasho la'aan; xaq.