gor (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
gor
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
54 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Magac lab
Dambar horaadka neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca inta uusan dhalin ka hor.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Gor-ka)
Wax danbar la moodo oo neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca oo ku soo bata oo xididdada caanaha iyo qurxubta weyneeya; caanaha danbarka ka horreeya; danbar rib ah.