Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
guur1
Magac lab
1
Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo.
2
Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).
guur2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Guur-ka)
Nin iyo naag, si sharci ah, laysugu xiro inta laysu mehersho, si ay u wada joogaan oo u wada dhaqmaan oo iyaga iyo carruurta ay dhalaanba qoys u noqdaan oo u wada noolaadaan; aroos; nikaax.