Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo.
2
Miraha geedkaas dhala.
3
C. ah: kuul mirahaas u eg. ld cinab.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Canab-ka)
1. Miro yaryar oo kulkulucsan oo dhawr midab (guduud; cagaar,...) leh, oo cuntub cuntub u baxa: sidoodaa lagu cunaa, ama khamraa laga sameeyaa, ama inta la engejiyo baa sabiib laga dhigaa.