(nax.) Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale.
Tusaale
“Wiilasha buugta ha akhriyeen”
2
Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo).
Tusaale
“Ha keenin!”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Erey ulajeeddada hadalka ama tixda kol, wax lays fara hayo ka dhiga (sida: wiilku hilibka ha cuno; wiilashu hilibka ha cuneen), kolna wax laysu diida hayo (sida: ha cunin; ha cunina).